Faahfaahin Qarax ka dhacay xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho

by admin | Wednesday, Jul 24, 2019 | 657 views

Mas’uuliyiin Sar sare oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Qaraxa goor dhow ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan iyo qaar ka mid ah maamulada degmooyinka Muqdisho ayaa waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa, waxaana la sheegay in Qaraxa uu fuliyay qof isa soo miidaamiyay.

Xaaladda guddoomiyaha ayaa la sheegya inay culus tahay, waxaana xilligan la geeyey cisbitaalka Digfeer.

Dhammaan dadkii fadhiyay Shirka Amniga ayaa qaarkood dhinteen kuwo kale waxa soo gaaray dhaawacyo culus.

Qof isa soo miidaamiyay ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu isku qarxiyay xarunta Lagu shiro ee dowladda Hoose ee Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response