Qarax khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho iyo Ajaaniib waxyeelo kasoo gaartay

by admin | Thursday, Apr 4, 2024 | 57 views

Qarax xooggan oo nuuca miinada hareeraha waddooyinka la galiyo ah ayaa lala eegtay gaari nuuciisu ahaa Hilux oo marayay xaafada katirsan deegaanka Garasbaaley ee katirsan magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay gaariga la qarxiyay ayaa la sheegay in ay la socdeen samafalayaal u dhashay dalka Turkiga iyo dad kale oo Soomaali ah, waxaana qaraxa uu haleelay xilli uu gaariga marayay xaafada lagu magacaabo Igadabagey.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray samafalayaashii Turkiga iyo askartii ilaalada u aheyd, waxaana la sheegay in dadka waxyeelada soo gaartay aysan helin gurmad deg deg ah.

Ciidamada ammaanka oo markii dambe soo gaaray goobta qaraxa ka dhacay ayaa halkaasi ka qaaday dadkii ku dhaawacmay qaraxa iyo kuwii kale ee ku dhintay, waxaana halkaasi looga tagay gaarigii la qarxiyay oo si weyn u bur buray.

Qaraxyada miino ee ka dhaca duleedka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan soo badanayay, qaraxyada qaar ayaana waxyeelo dhimasho iyo mid dhaawac kasoo gaartaa dad shacab ah oon waxba galabsan.

Like it? Share it!

Leave A Response