Duqa Muqdisho oo 450 caruur ah u qeybiyay dharkii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Ciida

by admin | Thursday, Apr 4, 2024 | 27 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarunta Aqalka Dowaldda Hoose ee Xamar ku qaabilay 450 caruur Agoon ah iyo kuwa kasoo jeeda qoysas danyar ah kuwaasi oo maanta laga farxiyay, iyaga oo loo qeybiyay dharkii ay uga qeyb qaadan lahaayeen munaasabada Eidul Fidriga oo nagu soo aadan.

Munaasabadan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo Agaasime Kuxigeenka Waaxda Agoonta iyo da’yarta tabaaleysan ee Gobolka Banaadir Marwo Ilhaan Aweys Axmed.

 

 

Dadkii deeqdan Ciidsiinta ah ka faa’ideystay waxaa kamid ahaa qoysas kasoo jeeda dalka Suuriya iyo qaar kamid ah caruurta Baahiyaha gaarka qaba, waxaana inta ay deeqdan socotay uu Guddoomiye Madaale mid mid warbixin uga dhageystay Caruurtii iyo Waalidiintii madasha ku sugneyd.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee Alle wax siiyay in ay u naxariistaan oo ay ilgaar ah ku fiiriyaan caruurta Agoonta ah iyo kuwa danta yar.

Like it? Share it!

Leave A Response