Rasaas laga maqlayo Baydhabo iyo ganacsigii oo Saaka xiran.

by admin | Friday, Dec 14, 2018 | 771 views

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in Rasaas laga maqlayo Saaka magaalada, taaso baqdin hor leh ku beertay Dadka Shacabka ah.

Rasaasta, ayaa waxaa is weydaarsanaya Ciidan Daacad u ah Rooboow iyo kuwa Koofur Galbeed, Rooboow, ayaa duhurnimadii shalay laga soo xiray baydhabo, wxaaana diyaarad soo saaray Ciidanka Itoobiya.

Dadka ku sugan Baydhabo, ayaa soo sheegaya in rasaasta laga maqlayo nawaaxiga Madaxtooyada, iyadoo sidoo kale ay socdaan banaanbaxyo rabshado wata oo lagu diidanyahay xariga Abuu Mansuur.

Xaafadaha qaar ee magaalada Baydhabo, ayaa Saaka kala xiran, waxaana jirin wax ganacsi ah oo furan, Maadaama dadka dibadbaxyada dhigaya ay socod ku marayaan xaafadaha magaalada.

Like it? Share it!

Leave A Response