Ciidanka Kenya oo xabsiga dhigay Gudoomiyaha degmada Ceelwaaq

by admin | Friday, Dec 14, 2018 | 778 views

Ciidanka dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay Gudoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo Ibraahim Guuleed iyo Kornel Warfaa oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Gedo.

Xariga ayaa yimid ka dib markii lagu wargaliyay in ay howlo shaqo ay u taggaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka kenya, waxaana la sheegay in la xiran xilli ay ku sugnaayeen Magaalada Mandera oo ku taalla Xadka gobolka Waqooyi Bari iyo waliba gobolka Gedo.

Fahad Macalin Aadan Gudoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq ayaa  u sheegay warbahinta in Mas’uuliyiintaan xabsiga la dhigay, islamarkaana su’aallo ay weydiinayaan Ciidamada Booliska dalka Kenya.

Waxaa uu sheegay in Mas’uuliyiin loola dhaqmay si xun, islamarkaana hadda ay ku jiraan xabsi walina aysan Caddeyn sababta loo xiray.

Like it? Share it!

Leave A Response