RW Rooble“ Hadii Guddoomiyaasha la dooran doono ay Madaxwaynaha raacaan horumar la gaari maayo.

by admin | Tuesday, Apr 26, 2022 | 459 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in qof walba uu ka fikiraayo sababta Madaxda ugu sareeysa dalka ay u xalin la’yihiin caqabadaha jira, balse taasi ay keentay dano Shaqasiyadeed oo baabi’iyay dalka Soomaaliya.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in waxa dalka ka dhacaya iyo isku dayada dib u dhaca doorashooyinka dadka mas’uulka ka ah ay cid walba ujeedo oo aan looga sheekeeneyn, hayeeshee ay ka guuleysan doonaan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble oo Magaalada Geneva ee dalka Swezerland kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed wuxuu sheegay in dalka xuroobay markii la dhaariyay Xildhibaannada labada Aqal uuna helay hay’ad Sharci ah oo gudata waajibaadkeeda Shaqo.

Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay doorashada Guddoonka labada Aqal ayaa sheegay in Xubnaha la dooran doono hadii aysan noqon kuwo cuna lacagaha uu dhaco Madaxweynaha la dooran doono uu dalka badbaadi doono balse hadii ay noqdaan kuwo uu ku Shaqeysto ay dalka dhibaato u horseedi doonto.

Hadalkaan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu kujiro waqti doorasho balse ay jiraan caqabado la sheegay in uu hormuud u yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa sharciga ah uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Like it? Share it!

Leave A Response