Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho

by admin | Tuesday, Apr 26, 2022 | 417 views

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad iyo labadiisa kuxigeen.

Guddiga doorashooyinka Guddoonka Aqalka Sare ayaa wada qaban qaabadii u dambeeysay ee doorashada Maanta, iyada oo dhamaan teendhada Afisiyooni lagu diyaariyay Agabka doorashada.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa siweyn u adkeeyay Amniga, iyaga oo xiray dhamaan waddooyinka gala & kuwa kasoo baxa Afisiyooni, iyaga oo u diidaya Gaadiidka noocyadiisa kala duwan meelaha qaarna dadka inay lugeeyaan aan la ogoleyn.

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo labadiisa kuxigeen ayaa waxaa ku tartami doona musharrixiin gaaraya ilaa 12 musharrax, kuwaas oo kala ah.

Guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa ku tartami doona Maanta musharrixiin uu ugu horreeyo Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ,Wasiirka Dastuurka Senoter Saalax Axmed Jaamac & Wasiirka Warfaafinta Senoter Cusmaan Abuukar Dubbe.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamaya laba Senoter oo kala ah.

1: Senoter Cabdixakiin Macalin Axmed.

2: Senoter Cali Shacbaan Ibraahim.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa ku tartami doona ilaa todobo musharax oo kala ah:

1: Senoter Cabdullaahi Xersi (Timacadde)

2: Senoter Cabdi Cusmaan Xareed.

3: Senator Ilyaas Badel Gaboose.

4: Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

5: Senoter Xasan Xuseen Xaaji

6: Senoter Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade)

7: Sen. Sareedo Maxamed Xasan Jeyte.

Sidoo kale Maalinta Arbacada ah ee Beri ah ayaa Xarunta Afisiyooni waxaa lagu qabanayaa doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen, kuwaas oo ay ku tartami doonaan musharrixiin dhowr ah.

Like it? Share it!

Leave A Response