Axmed Karaash oo u jawaabay Deni & khilaafka oo xoogeystay

by admin | Tuesday, Apr 26, 2022 | 437 views

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka dhanka awooda ah ee u dhaxeeya Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Kusimaha Madaxeeynaha Puntland Axmed Karaash ayaa shalay soo saaray wareegtooyin xilka qaadis & Magacaabis ah, hayeeshee Madaxweynaha Puntland oo kusugan Muqdisho ayaa waxba kama jiraan kutilmaamay wareegtooyinka, waxaana si deg deg ah ugu jawaabay Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Qoraal dheer oo kasoo baxay Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa lagu sheegay in qoraalkii kasoo baxay Madaxweynaha Puntland uusan waafaqsaneyn Dastuurka iyo qawaaniinta Puntland maadaama Madaxweynuhu ku sugneyn dhulka iyo sohdimaha Puntland.

Qoraalka Axmed Karaash oo aad u dheer ayaa sidoo kale lagu sheegay in waddo sax ah uu u karay wareegtooyinkii uu soo saaray, waxaana la faray Hay’adaha kala duwan ee Puntland inay dhaqan geliyaan.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxweyne kuxgeenka Puntland.

Waxaan shacabweynaha Puntland ku bogaadinayaa fahamkooda qotada-dheer ee ay u leeyihiin Dastuurka Puntland. Hadaba, anigoo dhawraya kuna dhaqmaya Dastuurka Puntland iyo Qawaaniinta Dalka, waxaan shacabka sharafta badan ee reer Puntland la wadagayaa:

1. In qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha Puntland uusan waafaqsanayn Dastuurka iyo Qawaaniinta Puntland maadaama uusan Madaxweynuhu hadda ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Puntland sida ku cad Qodobka 7-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Puntland oo dhigan sidan “ Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, Karkaar, Mudug, Heylaan, Sanaag” iyo Gobolka Gardafuu oo lagu ansixiyey lifaaq gaar ah” taas oo lagu soo koobay Dadka Puntland, Dhulka Puntland iyo Sohdimihiisa.

2. Dastuurka Puntland wuxuu Dal ku qeexayaa gudaha dhulka iyo sohdimaha Puntland sida ku cad Qodobadiisa kala ah, qodobka 9-aad, farqadiisa 2-aad, qodobka 103-aad, farqadiisa 4-aad, qodobka 105-aad, farqiisa 2-aad xarafka (b). Hadaba, mas’uul kasta oo Puntland ka haya xil dawladeed kuna dhaartay dhaarta dastuuriga ah ee ku cad qodobka 132-aad oo aan ku sugnayn dhulka iyo sohdimaha Puntland, sida uu qabo Dastuurku qodobkiisa 7-aad ma dabakhi karo awoodaha iyo mas’uuliyadaha uu Dastuurku farayo maadaama uusan ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Puntland.

3. Si la mid ah qodobada kor ku xusan, qodobka 132-aad wuxuu si cad u qeexayaa Dhaarta rasmiga ah ee Masuuliyiinta sida Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Kuxigeenka lagu dhaariyo, dhaartaas oo ah midda aan la’aanteed masuul xil qaban, gudanna karin, kana dhigan in masuul kasta oo lagu dhaariyo uu ilaaliyo, tixgaliyo isla markaasna ku dhaqmo oo dhawro dhartaas oo u dhigan sidan. “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, in aan ku dhaqmo Diinta Islaamka, Dastuurka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego”.

4. Hadaba, qeexitaanada qodobada dastuuriga ah iyo ku-dhaqanka waajibaadka iyo awoodaha Dastuuriga ah ma aha kuwo sidii la doono loo fasiran karo. Sidaas awgeed, Magacaabistii Ma’suuliyiinta iyo Hawl-wadeenada Shaqaalaha Rayidka ah waxaan u maray nidaam sax ah oo waafaqsan Dastuurka iyo Qawaaniinta l Puntland si gaar ah Qodobka 81-aad farqadiisa 1-aad iyo Qodobka 37-aad, farqadiisa 1-aad. Hadaba diidmada uu samayeey Madaxweynaha ka maqan dhulka iyo sohdimaha Puntland ma leh awood sharci waxayna baalmarsantahay Dastuurka iyo Qawaaniinta Puntland. Sidaas darteed Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha magacaaban waxay leeyihiin xaquuq sharci oo dastuuri ah.

5. Ugu danbayntii; Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda ay khusayso in ay u hoggaansamaan fulinta iyo dhaqangalinta digreetada sharciga waafaqsan, isla markaana ay gutaan waajibaadka ka saaran.

Like it? Share it!

Leave A Response