XOG-Kutladda siyaasadda NISA oo Farmaajo u deyrisay, Kheyre oo helay fursad weyn, iyo Musharax sadexaad oo Plan B soo galay.

by admin | Tuesday, Apr 26, 2022 | 306 views

Rasaasta Muqdisho ka dhaceysa saacadihii u danbeeyay waxaa barbar socda dabeylo siyaasadeed oo aad ugu xoogan Villa Somalia, Hoteelada iyo goobaha lagu karkariyo arimaha doorashada.

Madaxweynaha muddo xileedku ka dhamaaday ee inuu fowdo ku wado doorashada lagu eedeeyo, Mr Farmaajo ayaa waagi u baryay isagoo waayay garab culus. Kutladdii siyaasadda ee NISA ayaa macsalaameysay.

Sadexdii todobaad ee ugu danbeeyay Calansidayaasha siyaasadda ayaa soo qabanayay fowl ama qaladaad ka dhacay kooxda Farmaajo. Waxaana garsoorayaashu ku helayeen in ay dhibco weyn lumiyeen. Waana tii ay socon weysay iskudaygii lagu dib dhigayay dhaarinta xildhibaanada, doorashadii Garbahaarey iyo kiisas lamid ah.

Sida ay tilmaameyso xog soo gaartay warbaahinta waxaa Ololaha Farmaajo ka haray una wareegsaday dhanka Kheyre Sarkaalkii ugu awoodda badnaa NISA kuwa qarsoon. Taliyaha dabagalka NISA Korneel Cabdullahi Daahir oo Cabdullahi Dheere ku magac dheer iyo saaxiibadiisa kula jira kutladda.

Wararku waxay sheegayaan in Cabdullahi Dheere oo ahaa gacanta qarsoon ee shan sano qorsheyaal badan u fuliyay Farmaajo, sidoo kalana daaha gadaashiisa ka hagayay arimaha siyaasadda uu hadda qaatay go’aan hurdada u diiday Farmaajo iyo taageerayaashiisa.

Go’aanka waxaa uu yimid baa la yiri markii qodobo dhowr ah dhinacyadu isku fahmi waayeen. Sidoo kalana uu Farmaajo ku dhaqaaqay tilaabooyin uu Korneelka uga digay kuna saabsan dhaq dhaqaaqyada ciidanka iyo taliyaashooda.

Saraakiil NISA ah kana tirsan kutladda siyaasadda, Xubno ku sugan aqalka madaxtooyada iyo saaxiibo la socda jawiga siyaasadda ayaa wariyaasha la wadaagay in Korneel Cabdullahi Dheere uu dhisayo Musharax Xasan Cali kheyre ayna yeesheen wada hadallo is faham laga gaaray. Waxaana jira in uu si hoose u wato musharax kale oo u ah waxa loo yaqaano Plan B balse aan la ogeyn qofka uu yahay.

Faylka Madow ee Farmaajo ayay dad badan  u yaqaanaan Cabdullahi Dheere. Sanadihii danbaha waxaa loo heystay danbiyo badan oo xagga amniga uu ku geysay waxaase hadda laga yaabaa inuu siyaasadda la gediyo saaxiibkiisi Farmaaj

Xaaladdan waxay imaaneysaa iyadoo saacadihii la soo dhaafay la diiwaan geliyay dhacdooyin siyaasadeed oo abuuray shaki weyn. Waxaana kamid ah weerarka fashilmay ee Garoonka Aadan Cadde ka dhacay xilli la dhaarinayay xildhibaanadii Ceel waaq lagu soo doortay.

Farmaajaha waqtigii talada ka dhamaaday waxaa dhankiisa gaaray jab weyn. Ka sukow in gudoomiyaha kmg golaha shacabka lagala wareegay hadda waxaa u socon weysay wadadii uu ku siin heysan lahaa xildhibaano badan. Qaar uu ku tashanayay ayaa hercad ka dhaqaaqay.

Sida labadaan maalmood lagu soo dhameeyo doorashada gudoonka aqalka sare iyo golaha shacabka oo lala fiiriyo safarka Rooble waxaa lagu ogaan doonaa jihada doorashada iyo waxa ka hirgalayo.

Like it? Share it!

Leave A Response