Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

by admin | Monday, Apr 25, 2022 | 334 views

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa ka dhacay Isgoyska Banaadir agagaarka Isbitaalka Kalkaal ee Magaalada Muqdisho waxaa lagula eegtay Gaari ay saarnayeen Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaaro dhimasho & haawac ah.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Gaariga qaraxa lala beegsaday uu saarnaa Sarkaal katirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo lagu Magacaabo Janeraal Maxamed Xaashi Guuleed xilli uu kasoo baxay Taliska Villa Baydhabo, waxaana qaraxa ku dhintay Saddex Ruux oo kala ah mid kamid ah ilaalada Sarkaalka, Darawalkiisa iyo qof Shacab ah.

Warar ayaa waxaa ay intaasi kudrayaan in qaraxa uu ku dhaawacmay Sarkaalka lala beegsaday ee Janeraal Maxamed Xaashi Guuleed, waxaana goobta qaraxa ka dhacay tegay Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya, kuwaas oo muddo kooban hakiyay isku socodka dadka & gaadiidka wallow markii dambe ay fasaxeen.

Agagaarka Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer qaraxyo lagu weeraray Saraakiil ka kala tirsan Ciidamada Booliska & Millateriga, waxaana inta badan waxyeelo kasoo gaartaa Askar & dad Shacab ah.

Like it? Share it!

Leave A Response