RW Rooble oo Dhuusamareeb ka billaabay qiimeynta Doorashada Golaha Shacabka.

by admin | Monday, Nov 15, 2021 | 298 views

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka ambabaxay 3-dii Galabnimo ee maanta ayaa Dhuusamareeb ka billaabaya kormeyrka uu ku sameynayo goobaha loo asteeyay in lagu doorto Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS.

Rooble ayaa Dhuusamareeb kula kulmaya Madaxda DG Galmudug, Guddiyada hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-Goboleed & Xalinta Khilaafaadka oo shaqadooda ah qabashada iyo kor joogteynta Doorashada Golaha Shacabka.

Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka ayaa socdaalka Dhuusamareeb ku wehliyay Maxamed Xuseen Rooble, qorshaha Wafdiga Wasiirka Koowaad ee XFS ayaa ah in ay tagaan Xarumaha iyo Magaalooyinka loo asteeyay doorashada Baarlamaanka 11-aad.

Like it? Share it!

Leave A Response