Ciidanka NISA oo howlgal ku qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

by admin | Monday, Nov 15, 2021 | 257 views

Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal ballaaran saacadihii la soo dhaafay ka fuliyay Degmooyinka Hawlwadaag, Yaaqshiid iyo degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan NISA ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu soo qabtay saddex ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa  Deegaanka Ceelasha Biyaha, balse ma baahin Magacyada iyo Sawirada Saraakiisha Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA inay u taagan yihiin habeen iyo Maalin sidii ay u sugi lahaayeen amniga Shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkan gaarka ah oo ay fuliyeen Ciidamada Duufaan ee hubeysan ee NISA ayaa kusoo beegmay xilli Ciidamada Booliska Soomaaliya habeenadii la soo dhaafay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Like it? Share it!

Leave A Response