Shir uu ka qeyb geli lahaa Farmaajo oo baaqday

by admin | Monday, Nov 15, 2021 | 259 views

Waxaa dib loo dhigay Shir madaxeedkii wadamada Urur Goboleedka IGAD, kaas oo la filayay in uu Maanta oo Isniin ah ka qabsoomo Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda.

Shirkaas oo looga hadli lahaa xaaladaha dagaalka ka socda dalka Itoobiya iyo  xasaradaha kajira dalka Suudaan, waxaana lagu casuumay oo ka qeyb geli lahaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed  Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo).

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Uganda, Lindah Nabusayi ayaa sheegay in Shirka dib loo
dhigay mudo todobaad ah, in kastoo uusan faah faahin sababta dib loogu dhigay Shirka

Qaar kamid ah Madaxda dalalka Afrika ayaa shirkaasi isku diyaarinayay si ay uga qeyb galaan maadaama dalal kamid ah Afrika ay xilligaan kajiraan dagaalo iyo rabshado xoogan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dib u dhigida Shirka looga hadli lahaa arrimaha dagaalada Itoobiya iyo xasaradaha dalka Suudaan, kaas oo uu ka qeyb geli lahaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed  Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo).

Like it? Share it!

Leave A Response