RW Rooble oo ka hadlay falkii Maanta ka dhacay duleedka degmada Waajid

by admin | Wednesday, Oct 20, 2021 | 222 views

Ra’iisul Wasaararaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu cambaareeyay falkii Maanta ay Al-Shabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

“ Waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale ayuu yiri” RW Rooble.

Waxaa uu ku amaanay Ciidammada Xoogga ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Waxaa nala gudboon in aan meel uga soo wada jeesanno cadowgan nolosha u diiddan dadkeenna ayuu sii raaciyay hadalkiisa Ra’iisul Wasaaraha.

Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa muddo ka badna 10 sano waxaa ay u go’doonsan tahay Ururka Al-Shabaab, waxaana dhowr jeer ay duleedka degmadaas ku gubeen Gaadiid raashin siday.

Like it? Share it!

Leave A Response