Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shir ka furmaayo dalka Jabuuti

by admin | Wednesday, Oct 20, 2021 | 243 views

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta gaaray magaalada caasimadda ah ee Jabuuti, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti , Mudane  Ismaan Ibraahim Rooble.

Wasiirka oo socdaal saddex cisho ah ku joogaya Jabuuti, wuxuu ka qeybgalayaa shirka heer wasiir ee waddamada urur-gobolleedka IGAD, kaa oo looga hadlayo Shaqada, Shaqo abuurka iyo sidii waddamada IGAD ay si xor ah uga shaqeyn karaan muwaadiniinta shaqo doonka, iyadoo la dhowrayo xaquuqaha aasaasiga ah.

Mudane Cabdiwahaab Ugaas, ayaa shirka ka jeedin doona khudbad  , uu diiradda ku saarayo iskaashiga Shaqo iyo shaqo abuur ee waddamada IGAD.

Like it? Share it!

Leave A Response