RW Xamse” Waa sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab”

by admin | Wednesday, Nov 30, 2022 | 259 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay xasillinta deegaannada laga saaray Al-Shabaab iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladda ee muhiimka ah.

Wasaaradaha kulanka ka qeyb galay ayaa soo bandhigay qorshooda ku aaddan adeegyada ay u baahan yihiin bulshada deegaannada la xoreeyey, sida caafimaadka, waxbarashada, garsoorka, sugidda amniga iyo dib-u-heshiisiinta, maadaama Al-Shabaab muddo badan cunaqabateyn ku heysay, kana hortaagnayd adeegyadii dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo tilmaamay ahmiyadda ay xukuumaddiisu siineyso gaarsiinta adeeggii dowladda goobaha la xoreeyey, ayaa faray wasaaradaha ku shaqada leh in si deg-deg ah dhulka la xoreeyey looga hirgeliyo adeegyada asaasiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladdu ay sii wadi doonto dagaalka socda ilaa inta dalka oo dhan laga saarayo Al-Shabaab, si loo adkeeyo amniga guud ee dalka loogna hortago weerarada ay gestaan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response