Saraakiil ka tirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb

by admin | Monday, Nov 1, 2021 | 244 views

Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug gaaray wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 6-aad, Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal Aadan Abshir Nuurre .

Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay, Taliyaha Saldhiga Booliska Dhuusamareeb, saraakiisha Ciidanka kala duwan ee dowladda Soomaaliya & mas’uuliyiin kale.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya safarka uu Maanta Dhuusamareeb ku tegay Taliyaha Guutada 6-aad, Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Janeraal Aadan Abshir Nuurre, balse wuxuu kusoo aadayaa xilli Galmudug ay dagaal adag kala kulantay xoogaga Ahlusunna.

Taliyaha Guutada 6-aad, Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal Aadan Abshir Nuurre ayaa waxaa la filayaa in uu kulan la qaato Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) & Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka, iyada oo amnigeeda siweyn loo adkeeyay.

Like it? Share it!

Leave A Response