Odayaal lagu xir xiray Magaalada laas-caanood

by admin | Monday, Nov 1, 2021 | 314 views

Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ayaa waxaa ay Magaalada laas-Caanood ku xir xireen Saddex Oday dhaqameed oo kamid ah Odayaasha Magaalada.

Odayaasha la xiray ayaa dhawaan Warbaahinta kasoo muuqday , iyaga oo Puntland ugu baaqayay in kursiga Xildhibaan ay ku fadhiso Canab Xasan Cilmi ay kasoo horjeedaan in markale loo doorto, isla markaana ay doonayaan in qof rag ah uu kusoo baxo.

Magacyada Odayaasha la xiray ayaa waxaa kamid ah, Faarax Garaad Ismaaciil, Maxamed Cawad Baaruuf iyo Mustafe Aadan Gole,.waxaana ay sicad u sheegeen in kursiga ay beeshooda xaq u leedahay ay la doonayaan qof rag ah.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi ayaa waxaa ay tahay xildhibaannada keliya ee si cad u dhaleecaysay dadkii Somaliland ay sida qasabka ah uga soo musaafurisay Magaalada  laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Like it? Share it!

Leave A Response