Sarkaal ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab oo hawlgal lagu dilay.

by admin | Saturday, Jul 11, 2020 | 429 views

 Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay iney hawlgal ku dilaan sarkaal ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Masuulkaan oo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda ayaa lagu magacaabi jiray Salaad Dheere, waxaana lagu dilay deegaanka Buulo Xaawo oo galbeedka kaga beegan magaalada Bardaale ee gobolka Baay.

Warbixinada la helay waxey sheegeen in sarkaal kale la dhaawacay, lagana furtay qoray uu watay oo nuuciisa yahay AK47.

Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa war qoraal ah ku sheegatay hawlgalkaas, waxeyna sheegeen inuu ahaa mid ka mid ah hawlgallada lagu suulinaayo argagixsada.

Dhinaca kale tuulada Kurtun ayaa xalay lagu toogtay xubin ka tirsan ururka Jameecada Reerbannaani oo isku taagay iney la dagaalamaan Al-Shabaab, inkastoo aan la helin qofka dilka geystay hadana shaqsiga la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Beyxalaal Xaaji.

Like it? Share it!

Leave A Response