Faahfaahin Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Kismaayo

by admin | Saturday, Jul 11, 2020 | 407 views

Wararka naga gaaraya magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in xalay uu halkaasi ka dhacay Qarax.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka Bambo gacmeed ayaa lagu weeraray Maqaayad ku taalla  Kismaayo.

Goobta Qaraxa lagu weeraray ayaa inta badan waxaa fadhiista Ciidanka maamulka Jubbaland, waana Mid lagu cabo Shaaha.

Waxaa Qaraxaasi ku geeriyooday wiil yar oo 12 sano jir ah oo ku sugna goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale Inta la xaqiijiyay 8 ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi kuwaasoo ku sugnaa Maqaayadd Bambadda lagu tuuray.

Ciidanka Jubbland ayaa gaaray goobta uu weerarku ka dhacay waxaana ay ka bilaabeen howlgallo.

 

Like it? Share it!

Leave A Response