Wabiga Shabeelle oo ku fatahay tuulooyin hoos yimaada degmada Balcad{SAWIRO}

by admin | Friday, Jul 10, 2020 | 566 views

 

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Webiga Shabeelle uu  fatahaad ka sameyay tuulooyin hoos yimaada degmada Balcad.

Fatahaada wabiga  ayaa sababtay barakac iyo bur-bur hantiyadeed.

Tuulooyinka uu ku fatahay waxaa ka mid  ah Jameeco,Farbarako,Faydhuxul,Damaley,Zeydir,Bulo Faysharif iyo Bulo xaji

Dalagyadi u beernaa ayaa biyuhu qaadeen,guryihi iyo agabki kale qaar kamid ah dadkan oo kasoo barakacay tuulooyinkaas ayaa soo gaaray degmada Balcad.

Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ay ku howlan yihiin sidii dadkaasi loo caawin lahaa.

 

   

Like it? Share it!

Leave A Response