Shabaab oo sheegtay in ay dileen Wadaadkii heystay goobtii la weeraray Gaalkacyo

by admin | Monday, Nov 26, 2018 | 802 views

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerar Qaraxyo loo adeegsaday oo Saakay lagu qaaday xarunta xerta ee Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi Yare oo ku taalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Shabaab waxa ay sheegteen in weerarkaasi ay ku dileen Wadaadkii Cabdiweli oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya, islamarkaana kusoo caan baxay koox dhalinyaro ah oo qaada  digri lagu laray Music.

Shabaab waxa ay sidoo kale sheegteen in ay weerarkaasi ku dileen 11 ruux oo ilaalo u ahaa Cabdiweli.

Ciidanka Galmudug ayaa soo Afjaray weerarkii lagu qaaday Gaalkacyo, waxaana la sheegay in ay toogteen Koox hubeysan oo gashay gudaha xarunta wadaadka.

Qaraxyadda ayaa la sheegay in ay geysteen burbur xooggan oo saameyn ku yeeshay Xaafadda ay ku taallay xarunta Wadaadka.

Like it? Share it!

Leave A Response