Shabaab weeraray Afgooye

by admin | Sunday, Feb 3, 2019 | 750 views

Ururka Al Shabaab ayaa xalay saq dhexe waxa ay weerar  ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay inoo sheegeen dad ku sugan gudaha degmadaasi.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen inay ku soo kaceen dhawaqa rasaasta xoogan ee ay isku adeegsanayeen ciidanka dowladda federaalka iyo Al Shabaabka weerarka soo qaaday.

Waxaa la xaqiijiyay dagaalkan inuu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, islamarkaana soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah oo rasaasta ay guryahooda ugu tagtay.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa  u xaqiijiyay  warbaahinta in si weyn looga hortagay weerarka, islamarkaana Ciidanka dowladda ay dib u celiyeen Kooxdii weerarka soo qaaday.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in howlgallo ay ka bilaabi doonaan gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan degaanada ku teedsan degmada Afgooye.

Like it? Share it!

Leave A Response