Shacab dhimasho & dhaawac ku noqday dagaalka Beled-xawo{Akhriso:- }

by admin | Monday, Jan 25, 2021 | 307 views

Weli waxaa degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ka socda dagaalka u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Janan, waxaana dagaalka uu khasaaro kasoo gaaray dad Shacab ah.

Dagaalka oo xalay saqdii dhexe bilaawday ayaa waxaa uu ku faafay meelo kamid ah degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, iyada oo Ciidamada ay isku adeegsnayaan hubka noocyaadiisa kala duwan.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dadka ugu badan ee wax ku noqday dagaalka yihiin Shacab, kuwaas oo qaarkood Qoriga Hoobiyaha ah uu ku dhacay Gurigooda.

Shan Carruur ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen hal Goob, kadib markii uu hoobiye ku dhacay gurigooda, waxaana hoobiyaha ka badbaada Aabahood oo lagu Magacaabo Abdiwali Turmaag Maxamed.

Dhinaca kale Hoobiye ku dhacay guri ku yaalla degmada Beled-Xaawo ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen Aabe Cabdi Afdheere Gidirow & Saddex Carruur ah oo uu dhalay.

Xaalad kacsanaan ah ayaa weli waxaa laga dareemayaa degmada Beled-Xaawo, iyada oo dagaalka uu ka socdo agagaarka saldhiga Beled-xaawo, Dabaqa Shirkadda Hormuud iyo meelo kale.

Like it? Share it!

Leave A Response