“Kontemeeyo Shabaab ah ayaa lagu dilay Dagaalka Mudug” Fiqi.

by admin | Monday, Jan 25, 2021 | 302 views

Deegaannada Bacaadweyne & Camaara oo ay ku dagalaameen Al-Shabaab & Ciidanka Dowladd oo kaashanaya Shacabka waxaa ka dhashay khasaare dhimasho & dhaawac oo inta badan gaaray dhinacyada dagaalka ka qaybgashay.

Wasiirka Amniga DG Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dadka deegaanka looga baahan yahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo todobaadyadii tagay hubka la hortaagnaa sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaalka ka dhacay deegaannada Camaara & Bacaadweyne waa waa kontomeeyo, halka dhankeena dhaawacmeen 16-ruux waxaana dhintay 6-kale, Xarar dheere ayay aas wadareed ugu sameeyeen maleeshiyaadka laga dilay, kuwa ka dhaawacmay waxa ay u qaadaan isla Xarar dheere” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Amniga DG Galmugud Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dagaalka uu sii soconayo ilaa inta deegaannada maamulkaas laga saarayo Al-Shabaab, dhankoodana ay ku gacansiinayaan shacabka sida uu yiri.

“Kooxahaan waa naf la caari, maadaama culeys xooggan uu saaran yahay, dadka ayay horay u dhaceen, haatan waxa ay wadaan in ay afduubtaan Gaadiidka dadka, balse shacabka ayaa u diyaarsan oo waxaa jira meelo badan oo nalaga soo wacayo oo nalagu wargeliyay in ay u diyaarsan yihiin la dagaalanka Argagixisada” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Al-Shabaab ayaa dhaqdhaqaaq ciidan kawada Gobollada Mudug & Galgaduud, waxaana dhowr jeer dagaal ay ku galeen Deegaannada dhaca Gobolladaas, sababta xoojisay dhaq-dahqaaqa waxa ay dadka qaar ku sheegeen gaabis ku yimid howlgalladii socday.

Like it? Share it!

Leave A Response