Dagaal weli ka socda degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo

by admin | Monday, Jan 25, 2021 | 324 views

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ee uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur janan ayaa weli ka socda degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo soo bilaawday xalay sqdii dhexe ayaa waxaa uu ka socdaa xaafado ka tirsan degmada Beled-Xaawo oo la sheegay inay galeen Ciidamada uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland.

Goobaha dagaalka xoogiisa uu ka socdo ayaa waxaa kamid ah Saldhiga Booliska Beled-Xaawo, Masjidka Qadiib iyo Dabaqa Xarunta u ah Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom, waxaana dagaalka ka qeyb qaadanaya Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in tiro madaafiic ah ay ku dhaceen Gudaha degmada Beled-Xaawo, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah, isla markaana ay gubteen Guryo farabadan.

Like it? Share it!

Leave A Response