Shan qof oo isku qoys ah oo hal goob ku geeriyooday

by admin | Tuesday, Mar 23, 2021 | 333 views

Shan xubnood oo hal qoys ka koobnaa ayaa ku geeriyooday isbuurasho,xili ay kumannaan qof ay isugu soo baxeen garoonka Uhuru oo ku yaalla magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania Axaddii.
Dadkaan ayaa ka qaybgalayay sagoontinta maydka madaxweynihii hore ee Tanzania John Magufuli.

Dennis Mtuwa oo ah dhibane ayaa shegay inuu waayey xaaskiisii, laba caruur ah, adeer iyo gabar uu abti u yahay.
Mr Mtuwa ayaa wicitaan ka helay nin aan aqoon oo karoonka isbuurashadu ka dhacaday ka soo qaaday boorsada xaaskiisa waxaana mar dambe uu helay maydadka dadkaas ehelkiisa ah .
Wararka qaar ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 qof ay naftooda ku waayeen isbuurashada hase yeeshee warkaas xaqiiqdiisa waliba lama xoojin.
Taliyaha booliska Dar es Salaam Lazaro Mambosasa ayaa BBC-da u sheegay in uu arintan ka hadli doono maalinta talaadada ah oo barri ku beegan.
Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka Daarusalaam maalintii Axadda si ay ugu gacan haatiyaan maydka madaxweynhii geeriyooday oo naxash magaalada lagu dhexmariyay.
Meydka ayaa markii dambe loo duuliyay magaalada caasimada ah ee Dodoma, halkaas oo maanta loogu sameyay duco qaran ayna ka qaybgaleen qaar ka mid ah madaxda dalalka Afrika.
Wuxuu dhintay isbuucii hore isagoo 61 jir ah. Dowlada ayaana sheegtay inuu u geeriyooday wadnaha oo istaagay, laakiin mucaaradka ayaa sheegay inuu haleelay Covid-19.

Like it? Share it!

Leave A Response