Maamulka G/Banaadir iyo wasaaradda caafimaadka oo isku khilaafsan qeybinta tallaalka COVID-19 – {AKHRISO}

by admin | Tuesday, Mar 23, 2021 | 307 views

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo maamulka gobalka Banaadir ay isku khilaafeen bixinta Tallaalka cudurka saf-marka ah ee Covid-19.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qorshaha markii hore ahaa in dhamaan degmooyinka gobalka Banaadir laga sameeyo rugo laga qaato Tallaalka balse ay qorshahaasi isku fahmi waayeen maamulka gobolka iyo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
Lama hubo sababta ka dambeysa hase yeeshee waxaa soo baxaya in khilaafkan uu salka ku hayo arrimo dhaqaale iyo macaash la sheegay in la aaminsan-yahay in laga sameyn doono tallaalkaan oo loogu talagalay in si lacag la’aan ah loo qeybiyo.
“Khilaaf culus ayaa jiro oo u dhaxeeya gobalka iyo wasaaradda waana sababta loogu diiday in la siiyo gobalka adeegaan muddo maalmo ah oo uu yaalo dalka,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha gobalka Banaadir oo la hadlay warbaahinta .

Tobaneeyo qof ayaa maalintii cudurkaan ugu geeriyada Muqdisho, waxaana goobaha tallaalka laga helo ilaa hada ay tahay ugu badnaan 3 xarun oo markii hore goob karantiil oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response