Shir ay ka maqnaayeen Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo ka dhacay Dhuusamareeb

by admin | Wednesday, Feb 3, 2021 | 311 views

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa xalay ka dhacay kulan gaar ah oo u dhaxeeyay Madxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Rooble , Madaxweynayaasha, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa waxaa ka maqnaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb, iyada oo sababta lagu sheegay in ay safar dheer soo galeen, isla markaana ay galayaan nasasho.

Kulanka ayaa Madaxda waxaa ay ku gorfeeyeen dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee la xiriira doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka, in kastoo ana weli heshiis laga gaarin doorashooyinka.
Wasiirka Wasaaradda Warfafainta Soomaaliya ayaa sheegay in shirarka ka dhacay magalada dhuusamareeb iyo kan maanta ka furmaya intaba ay yihiin kuwo lagu dhameystirayo heshiisyadii doorashooyinka ee horay loo gaaray.
Maanta ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareebuu ka furmo shirka wadatashiga Madaxda dowladda Soomaaliya, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Like it? Share it!

Leave A Response