Dagaal ka dhacay degmada Balcad & faah faahin laga helayo

by admin | Wednesday, Feb 3, 2021 | 299 views

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxa uu xalay ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamada dowladdda & Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Bar-koontorool oo Ciidamada Maamulka degmada Balcad ku leeyihiin dhanka waqooyi ee degmada Balcad, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal ku dhawaad saacad socday.

Gobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in barta koontorool ee la weeraray inay ku taal halka loo yaqaano kulanka Yaroow Farxan wadada ka timaada dhinaca Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.
Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa dagaalkaas ku geeriyooday in kastoo khasaaraha uu intaasi ka badan karo maadaama xilliga dagaalka uu dhacayay ay aheyd waqti dambo ee xalay.
Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe weli kama hadlin dagaalka, hayeeshee wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya degmada Balcad ayaa sheegayaa in xaalada ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Gaadiidka ay yihiin kuwo Shaqeeynaya.

Like it? Share it!

Leave A Response