Shir laga yeeshay falkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

by admin | Monday, Dec 20, 2021 | 420 views

Gudoomiyaha gobalka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa shir gudoomiyey shirka amniga gobalka mudug oo ay kasoo qeyb galeen taliyaasha ciidamada booliiska iyo daraawiishta gobalka mudug gudoomiyaasha Maxkamadaha gobalka mudug gudoomiye kuxigeenka degmada gaalkacyo iyo saraakiin kale.
Shirkaan ayaa looga hadley amniga gobalka gaar ahaan falkii xaley dhacey oo ay Ciidamada booliisku kula dagaalamayeen kooxaha ka Ganacsada khamriga oo uu ka dhashey kasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Shirkaas oo saacado socdey kadib waxaa saxaafadda la hadley gudoomiye sanyare oo ka warbixiyey xaaladda amniga iyo falkii xaley asagoo Amaro dul dhigey dadka khamriga caba iyo dadka dhulalka kuleh gaalkacyo

Like it? Share it!

Leave A Response