Shir u socdo maalintii saddexaad Farmaajo & dowlad Goboleedyada tageersan

by admin | Wednesday, Mar 24, 2021 | 298 views

Shir u dhaxeeya Madaxweynaha muddoo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dowlad Goboleedyada taageersan loogana hadlaya arrimaha doorashooyinka ayaa Maalintii Saddexaad uga socda Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintan ayaa xalay Warbiixn ka dhageystay Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka, waxaana goobjoog ka ahaa, Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo ay ka qeyb galayaan Ra’iisal Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug,Koonfur galbeed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana laga sugaa in ay shirka ku biiraan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Ujeedka shirkan wuxuu yahay dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta Heshiiskii 17-kii sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response