Shirka Madaxda maamul goboleedyada ee Garowe oo maanta la soo gabagabeynayo iyo war murtiyeed…

by admin | Tuesday, Oct 23, 2018 | 851 views

Shir wadatashi ee Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ku leeyihiin magaalada Garowe ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah la soo gabagabeeyo.

Shirk oo galay maalintii 3aad ayaa furmay maalintii Axadii ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed, waxaana Madaxda maamuladaas oo khudbado ka jeediyay shirka ay eedeyn kulul ugu soo jeediyeen dowladda Federaalka.

Madaxda maamul goboleedyada afarta ah ayaa khudbadahooda diirada ku saarayay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana ay ku eedeeyeen dowladda Dhexe inay faragelin ku heyso maamul goboleedyada oo ay dooneyso in awoodda maroorsato

Waxaa lagu wadaa in shirka maanta laga soo saaro war murtiyeed, iyadoo horay shirkii Kismaayo ee bishii hore war murtiyeed ay ka soo saareen xiriirka loogu jaray dowladda Federaalka.

Shirka Garowe ayaa waxaa markii u horeysay aan ka qeyb galeyn Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, kaddib markii uu la heshiiyay dowladda Federaalka, kana baxay go’aankii Shirkii Kismaayo, waxaa uu horay u sheegay in shir kasta oo ay ka maqan tahay Hirshabeelle uusan sharci aheyn.

Like it? Share it!

Leave A Response