QOYSKA HAWEENEY HINDI AH OO UU GUURSADAY NIN SOMALI AH OO KA CABANAYA NOLOSHA GABADHOODA

by admin | Tuesday, Oct 23, 2018 | 802 views

Qoys u dhashay Dalka Hindiya kuna nool Magaalada Hyderabad ee Dalkaas ayaa sheegaya in Gabar ay dhaleen oo uu guursaday Nin Soomaali ah ay nolol xun ku heysato gudah Soomaaliya.

Mohammad Wahiuddin,oo ah Ninka la dhashay Gabadha lagu magacaabo Mohammedi Begum,ayaa sheegay in walaashiis iyo Ninka Soomaaliga ah ay sanadkii 2003dii isku guursadeen Hyderabad,islamarkaana muddo 10 Sano ah la noolaayeen qoyska Hindida ah.

Sanadkii 2013kii ayuu sheegay in Sayid Xasan Ibraahim oo ah ninka ay u dhaxday Gabadha uu sheegay in qoyskiisa ay ka codsadeen in ay arkaan Carruurta ay isu dhaleen oo shan ah iyo hooyadood.

Intaas kaddibna 1dii April 2013kii uu Gabadha iyo Carruurteedaba keenay Soomaaliya kaddibna ku laabtay Hindiya.

Maxamed ayaa sheegay in Sayid Xasan uu muddo sanad ah joogay Huyderabad,kaddibna aaday Mareykanka iyada oo xaaskiisa iyo Carruurtiisa ay jiraan Soomaaliya.

Hadda waxaa uu sheegayaa in ehelkii  Sayid Xasan ay jirdil u geysteen walaashiis una baahanyahay in dib looga celiyo Soomaaliya.

Mohammad Wahiuddin,ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya iyo Safaaradda Hindiya ee Muqdisho ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo badbaadiyo walaashiis sida uu hadalka u dhigay.

Like it? Share it!

Leave A Response