Shuruudaha ay DFS ku xirtay qaadista xayiraada Jaadka Kenya oo la shaaciyey

by admin | Wednesday, Aug 26, 2020 | 393 views

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay shuruud ku xirtay in dib loo bilaabo jaadka (qaadka) Soomaaliya looga keni jiray Kenya,kaas oo loo joojiyay sababo la xiriira COVID-19, iyada oo shuruudahaas u gudbisay dowladda Kenya.

Sida uu daabacay Wargeysa ka hadla arrimaha Ganacsiga ee Busniss Daily iskaashada qaadka ee degaanka Nyabene Xubno ka socday ayaa yimid Magaalada Muqdisho si ay Dowladda Soomaaliya ugala hadlaan in xayiraada laga qaado jaadka, hayeeshee dowladda Soomaaliya ay ku xirtay shuruudo ay kamid yihiin.

1: In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed.

2: In kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya
3: In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya,sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah.

4: In Kenya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu baareyso Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya.

Guddoomiyaha iskaashada khaadka degaanka Nyabene Kmathi Nyabene ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diiday dalabkii codsiga ahaa ay ka diiday,waxaana uu ugu baaqay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta in uu xaliyo khilaafkaan diplumaasiyadeed ee hakadka geliyay Ganacsigooda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay Canshuur kordhin ku sameysay jaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya,isla markaana halkii kiilo lagu Canshuurayo 5 Dollar ayna aqbaleen,hayeeshee uu sheegay in weli caqabado dhowr ah ay ka heystaan in xayiraada aag qaado qadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya.

Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Axmed Macalin uu sheegay in marnaba ay Soomaaliya aysan soo geli karin diyaaradaha sida qaadka,isla markaana dowladda Soomaaliya ay mamnuucday in dalka la keeno in kastoo uusan cadeyn sababaha keenay.

Like it? Share it!

Leave A Response