Shuute “Isbaarooyinka sida Al-Shabaab waa in loola dagaalamayaa”

by admin | Saturday, Nov 24, 2018 | 853 views

Guddoomiyaha Maxkamada Dajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo la kulmay Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda ayaa kala hadlay Jidgooyooyinka sii kordhaya ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay dhigteen Kooxo ku labisan Dharka Ciidanka Dowladda.

Shuute waxa uu sheegay in kooxahaas aysan kamid ahayn Ciidamada Dowladda Federaalka, balse ay soo jeediyeen in loola dagaalamayo sida Al-Shabaab oo kale sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha Waxa uu u sheegay in Gobolka Shabeelaha Hoose ay u joogaan la dagaalanka Kooxaha Burcadda ee dhibaatada u geysta dadka shacabka iyo gaadiidka u raran.

Dharka Ciidamada Dowladda oo ay wataan Kooxaha Jidgooyooyinka dhigta ayuu ku sheegay in ay magac dil ku tahay Ciidamada Dowladda, sidaas awgeed ay mas’uuliyad dheeraad ah iska saaraan la dagaalankooda.

Maxkamad Ciidamada Qalabka sida waxa uu tilmaamay in ay u diyaarisay Garsoorayaal kala shaqeeya Saraakiisha Ciidamada sidii loogu marin lahaa Ciqaabta ay mudan yihiin.

Gudoomiye Shuute ayaa intaa ku daray in aan Muqdisho loosoo qaadi doonin Askarta ama shaqsiyaadka lagu qabto Isbaarooyinka, balse isla goobta lagu qabto lagu maxkameyn doono.

Waa uu hadlay waxa uu tilmaamay in ay wadaan qorshe Xeer ilaaliyaal iyo Garsoorayaal la shaqeeya Saraakiisha Ciidamada Dowladda loo diyaarin lahaa, si urur walibane loogu geeyo Saddex Garsoore oo kala shaqeeya Ciqaabidda dadka dambiyada gala ama geysta.

Todobaadyo kahor ku dhowaan labo boqol oo gaadiid Xamuul ah ayaa lagu xannibay Gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii lacago xad dhaaf ah ay ka dalbadeen Kooxo ku labisan Dariiska Ciidanka Dowladda oo Jidgooyooyin dhigtay.

Like it? Share it!

Leave A Response