Soomaalida Mareykanka oo dacwad ka gudbiyay shirkada Amazon

by admin | Saturday, Nov 24, 2018 | 807 views

Soomaalida dalka Mareykanka ee ku nool Magaalada Minnasota ayaa dacad ka dhan ah Shirkada Amazon ka gudbiyay dacwad ka dhan ah iyagoo ku eedeeyay in ay si uun u heyb soocaan.

Dacadaan ayey markii hore gudbiyeen shaqaalaha shirkada ee Soomaalida ah iyagoo sheegay in ay ku faquuqaan diintooda maadama sida ay sheegeen ay dul dhigeen amaro adag oo si qeyxan kaga hor imaanaya in shaqaalahooda ay salaada dukadaan xiliga ay shaqeyanayaan.

“Waxaa jira cadaadis si gaar ah shirkaan Soomaalideena u saarto mana ahan wax aan aqbali karno madama aan ku noolnahay dal xuriyada aad looga ixtiraamo, laakiin xaqiiqda ayaa ah in aan aad u baqano oo aan ku fikirno goormaad shaqadaan la idiinka cveyrin doonaa maadama ay marar badan inooga digeyn in aan dukano xiliyada shaqadana inagana aynu ka dhaga adeygnay” ayuu sheegay Maxamed nin magaciisa ku sheegay oo ka mid ah shaqaalaha soomaalida ah ee Shirkadaasi amazon.

Soomaalida qurba joogta ah ayaa ee ee ka shaqeysta dalalaka ay ku noolyihiin ayaa marar badan marti u noqda midab takooor.

Like it? Share it!

Leave A Response