Somaliland oo maanta dib u fureysa Dugsiyada Qur’aanka iyo Amaro kasoo baxay

by admin | Tuesday, Jun 30, 2020 | 617 views

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka ugu baaqay inay fuliyaan awaamiirta badbaadinta Ubadka ay Quraanka barayaan si looga hor-taggo xannuunka Covid19, maaddaama maanta dib loo furayo.

Waxaa uu sheegay in Macalimiinta looga baahan yahay ilaalinta habraaca ka hortagga Cudurka Corona virus si looga hortaggo Cudurka Covid 19.

Waxaa looga baahan yahay macalimiinta Isticmaalka qalabka ka hortagga Cudurka, waxa laga rabaa kala fogaanshaha Ardayda.

Waxaa sheegay Wasiir Khaliil inuu jiro Kormeerka guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ay Dugsiyada Quraanku hoostagaan maamul ahaan oo si joogto ah ula socon doonaan habka ay u maaraynayaan awaamiirta la faray ee nadaafadda, kala fogaanshaha, badqabka ubadka iyo ilaalintoodaba, sidoo kalena ay Guddida Qaran si guud ula socon doonaan cidda fulisa iyo cidda fulin weyda qodobbada laga doonayo.

Like it? Share it!

Leave A Response