Weerar ka dhacay Beledweyne

by admin | Tuesday, Jun 30, 2020 | 569 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Koox hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ku sugnaa duleedka Beledweyne.

Kooxda hubeysan ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen Xerada ciidamada dowlada ee bacaadaha oo ku taalla Duleedka Magaalada Beledweyne.

Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan Beledweyne ayaa sheegay in ay si buuxda ay iskaga caabiyay weerarkaasi, islamarkaana hadda ay degan tahay Xaaladda.

Ciidanka dowladda ayaa ku jawaabay rasaas culus, waxaana daryanka hubka labada dhinac laga maqlayay Magaalada Beledweyne.

Wali lama ogga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, mana jirto cid faahfaahin ka bixisay  sidda ay wax u dhaceen.

Like it? Share it!

Leave A Response