Weerar Dad lagu dilay oo ka dhacay Pakistan

by admin | Monday, Jun 29, 2020 | 458 views

Rag hubaysan ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Suuqa sarifka ee Pakistan ee ku yaala magaalada Karachi,iyaga oo ugu yaraan dilay 9 qof qaar kalana halkaas ku dhaawacay, sida ay warbaahinta dalkaas sheegtay.

Dablayda weerarka gaysatay ayaa bam gacameed ku tuuray albaabka weyn ee dhismaha suuqa,waxaana daka dhintay ku jira afar qof oo weerarka soo qaaday, afar ka mid ah ilaalada Bakhaarada Pakistan iyo nin ka tirsan Booliska halka ay ku dhaawacmeen 7 qof oo Shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in booliska ay dileen qaar ka mid ah dablaydaan hubaysan, balse uu weli weerarka socdo.
Weli ma cadda tirada ay yihiin nimanka dhismaha weeraray iyo waxa ay damacsanaayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response