Golaha Wakiilada Puntland oo maanta kulan ka leh xeerka Matalaada Gobolka Banaadir.

by admin | Monday, Jun 29, 2020 | 473 views

Golaha Wakiilada Maamulka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah Kulan deg deg ah ka yeelanaya Matalaadda Siyaasadeed ee la siiyay Gobolka Banaadir oo maalmo ka hor ay ansixiyeen Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan go’aamo ay kaga soo horjeedaan Ansixintii Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen in Gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 xubnood.

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa Shalay dood ka yeeshay sida Puntland ka yeelayso  Go’aankii Baarlamanka Federaalku ay ku anisixiyeen Mataaladda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir ayaa dhaliilay qaabka loo maray.

Inta badan mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa shalay ku dooday in Hannaan qaldan  loo maray Ansixinta Xeerka Mataalaadda Gobolka Banaadir oo 13 Senetor Aqalka sare ka siinaya caasimada dalka.

Madaxweynihii ee Puntland Sen Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka hadlay hanaanka Matalaada Gobolka Banaadir ayaa ku sheegay mid aan sharciga waafaqsanayn sida uu hadalka u dhigay, sidoo Madasha Xisbiyada qaran ku eedeeyay qaabka ay ugu hadleen matalaada gobolka.

Xilldhibaano iyo Wasiiro la baxay Kudlada Sharci dhowr ayaa dhawaan sheegay in ay ka soo horjeedaan sida loo maareeyay Matalaada Gobolka Banaadir oo ay ansixiyeen golaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response