Kulamo lagu xalinaayo dagaal Beeleedyo oo ka bilaawday Feer Feer

by admin | Monday, Jun 29, 2020 | 430 views

Magaalada Feer Feer oo ku taalla Xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya ayaa waxaa ku sugan Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo isugu jira Xubno ka tirsan Madaxtooyada, Wasiio, xildhibaano iyo Saraakiil ciidan, iyaga oo halkaasi ka wada kulamo lagu xalinaayo dagaal beeleedyo ka dhacay Nawaaxiga Tuulada Abaaley ee degmada Feer Feer.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay kulamo la leeyihiin Xubno uu horkacayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo halkaasi ku sugan,si xal looga gaarao dagaal beeleedyada soo laab laabtay sanadihii la soo dhaafay.

Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka Bada Hirshabeele Xildhibaan faarax Maxamed Cusmaan ayaa sheegay inay joogi doonaan ilaa xal waaro oo nabadeed laga gaaro colaada dhex martay Beelaha walaalaha ah taasi oo Daalka maal mihii ugu dambeeyay ku howlanaayeen sidii nabad waarta looga gaari kahaa colaadaasi.

Maalmo ka hor ayaa waxaa degmada feer Feer ka dhacay Wajiga koowaad ee wada-hadallada lagu xalinaayo dagaal beeleedyadaas,kaas oo ay ka qeyb galeyn
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle is Maamulka Somaalida Ethiopia oo ay wehliyaan wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan Maamulka Hirshabeele iyo Dowlad degaanka Somaalida Saraa kiisha ciidamada iyo Masuuliyiin ka kala socotay Madaxtooyada Hir-Shabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response