“Anaga waxaan is casileynaa hadii aan dambiile noqono oo haqadii naloo diray aan qaban weyno” Gudoomiye Xaliimo Yaray.{AKHRISO}

by admin | Monday, Jun 29, 2020 | 437 views

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraah oo la hadashay warbaahinta dowladda ayaa ka jawaabtay eedeyn ay u soo jeediyeen xisbiyada Mcaaradka ee la xariirtay in ay iska casisho shaqada ay qaranka u hayso maadaama ay ku fashilantay in ay qabato doorasho lagu waqtigeeda ku dhacda oo lagu kalsoonyahay.

Gudoomiye Xaliimo Yaray ayaa sheegtay in aysan aheyn Guddigooda dad dambiile ah oo qaban waayay Shaqadii loo diray,balse ay horay u soo gudbiyeen in baahi badan loo qabo in la helo qalabka doorashada lagama maar maanka u ah.

Iyada oo hadalkeed sii wadata ayay sheegtay in aysan wal helin waxyaabihiimii muhiimka u ahaa doorashada,sida Dhaqaalaha iyo qalabkii cod bixinta iyada oo ay dhowdahay xilligii doorashada loo balansanaa.

“Anaga waxaan is casileynaa hadii aan dambiile noqono oo haqadii naloo diray aan qaban weyno,feberaayo 2017 ayaan sheegnay in ay ka maqan yihiin waxyaabihii doorashada lagu qaban lahaa welina ma helin laakin in Guddiga la iska eedeeyo ma ahan ayay tiri” yay tiri Xaliimo Yaray.

Guddomiye Xaliimo Yaray ayaa sheegtay in ay ku kalsoontahay sida hay’adeedu shaqada u wado iyo wadashaqaynta ka dhexaysa.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa maalin ka hor waxaa ay ka hor sheegtay Xildhibaannada Golaha Shacbaka in ay Guddigooda u baahan yahay muddo 13 Bilood ah si doorasho loo qabto.

Like it? Share it!

Leave A Response