Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay Dalka Mozambique

by admin | Thursday, Dec 3, 2020 | 354 views

Kooxo Burcad ah ayaa waxaa la sheegay in gudaha dalka Mozambique oo deris la’ah wadanka Koonfur Afrika ay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ugu geysteen Ganacsato Soomaali ah.

Weerarkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Magaala madaxda Gobolka NIASSA ee dalka Mozambique, waxaana Burcadda oo iska dhigayay Ganacsato ay tageen Dukaamo ay Soomaali leeyihiin, iyaga oo isku dayay inay boobaan, hayeeshee Gacan ka hadal uu goobta ka dhacay.

Mid kamid ah dadka ku nool dalka Mozambique ayaa sheegay in Kooxaha Burcadda ah ay rasaas ku fureen Ganacsatada Soomaalida ah, rasaastaasna ay sababtay geerida mid kamid ah Ganacsatada Soomaalida &  dhaawaca mid kale.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Kooxihii Burcadda ahaa ay goobta ka baxsadeen, waxaana arrintaan ay walaac ku abuurtay Ganacsatada Soomalida ah ee ku nool dalka Mozambique oo aan u baran dhibaatoyin loo geysto.

Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda loogu geystaa Soomaalida, hayeeshee falalkaasi oo kale uu ay ka bilaawdeen dalka Mozambique oo deris la’ah wadanka Koonfur Afrika.

Like it? Share it!

Leave A Response