Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ku wajahan Beledweyne

by admin | Thursday, Dec 3, 2020 | 351 views

Qaban qaabada soo dhaweynta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u-heshiisiinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya janeraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa saakay ka socota magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafiga ayaa goordhaw la filayaa inay ka amba baxaan Garoonka diyaaradaha Aadan-Cade ee Magaalada Muqdisho

Magaalada Baladweyne waxaa mudooyinkaan ka taagan xaalad ka dhalatay in safar la sheegay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen uu ku tagayo magaalada Beledweyne, waxaana qorshahaas kasoo horjeestay Sarkaal lagu Magacaabo Janeraal Xuud oo maleeshiyaad badan ku heysta duleedka Beledweyne.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo guddoomiyaha barlamaanka maamulkaas ayaa ku sugan Beledweyne, waxaana ay kawadaan kulamo latashiyo ay ka qaadanayaan qeybaha bullshada magaalada si Bulshada loogu qanciyo taageerida Hir-Shabeelle Cusub.

Sidoo kala madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa la filayaa in lagu caleemo saaro magaalada Baladweye, kadib markii xal laga gaaro khilaafka jira.

Like it? Share it!

Leave A Response