Soomaaliland oo Ciidamo Cusub geysay deegaano ka tirsan Sanaag

by admin | Wednesday, Jul 24, 2019 | 627 views

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Soomaaliland saacadihii la soo dhaafay ay Ciidamo farabadan geysay deegaano hoostaga Magaalada Ceerigaabo.

Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka oo laga kala qaaday deegaannada Tukaraq & Galbeedka Magaalada Hargeysa ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in la geeyay Buuraleyda Ceerigaabo oo meel u dhow ay saldhig ka sameesteen Ciidamo uu wato Korneel Caare oo horay uga goostay Ciidamada Soomaaliland.

Ciidamada la geeyay duleedka Ceerigaabo ayaa waxaa hoggaaminaya taliyaha Ciidamada RRU ee Soomaliland,waxaana Maanta lagu soo waramayaa inay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Korneel Caare oo dhowr mar Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu weerari doono deegaannada Soomaaliland,hayeeshee Odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Sool ayaa maalmahan dhex dhexaadin ka dhex waday Korneel Caare iyo Madaxda Soomaaliland.

Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga Soomaaliland weli kama hadlin u jeedka Ciidamada ay deegaankaasi u geeyeen,,waxaana xusid mudan in deegaano ka tirsan gobolka Sool ay ka jirto xiisad u dhaxeyso Puntland & Soomaaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response