Dowladda oo faahfaahisay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Xarunta dowladda Hoose

by admin | Wednesday, Jul 24, 2019 | 646 views

Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow Warbaahinta kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ,Waxaana ay faahfaahin ka bixiyeen Khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay hareer taagan yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maalliyadda ee gobolka Benadir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay howlan tahay badbaadinta dadka ay waxyeelado soo gaartay.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay falkii  galabta ay ku dhinteen 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime.

Wasiirka waxa uu sheegay in sidoo kale ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo Guddoomoyiyaha gobolka Benadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen.

Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falka dhacay islamarkaana ay faah faahin dib kasoo sheegi doonaan.

Like it? Share it!

Leave A Response