Soomaaliya oo wajahaysa loolankii ugu adkaa ee siyaasada arrimaha dibeda

by admin | Friday, Feb 22, 2019 | 861 views

Somalia waxey wajaheysa loolankii ugu adkaa ee siyaasada arrimaha dibbada. Marka la tago isqancinteena, waxaa xaqiiqdii muuqda hirar qaadi kara Soomaaliya, oo aan dalkeennu taag iyo tabar midna u heynin.

Markii aad aqriso, oo aad baarto ujeedooyinka, talaabooyinka ay qaadeen, kuwa ay hada doonayan, mid walba sida ay wax ula muuqdaan, waxa ay naga aaminsanyihiin iyo hagar daamada wadamada Kenya, Ethopia, Emirate-ka, Sacuudiga, Uganda, USA, UK, Qatar, Turkiga, iyo France, waxaad ogaaneysa in Somalia ay halis ku sugan tahay, oo waliba aaney muuqan si fudud oo ay isku badbaadin karto.

Waxaa Dowlada hada jirta la gudboon iney bilaawdo dhab ka hadal, oo dalku inta uusan gacanta Soomaalida ka bixin ummada loo sheego meesha humaaga ah ee la taagan yahay, culeesyada jira iyo qadiyadaha masiiriga ah ee u baahan in go’aan mideysan lagu wajaho.

Culeesyada caalamiga ah ee taagan ma’ahan wax ay gooni u curisay Dowlada hada jirta, oo waa arrin mudo taagneyd balse hadba heer joogtay, laakiin masuuliyad ayaa ka saaran maareynta, madaama xiligaan ay iyagu xafiiskii wax laga maamulaayay joogan. Dhinacyada siyaasada oo dhan waa u jeedaan halista soo socota, sidaa darteed sax ma’ahan iney banaanka ka istaagan, iyadoo lagu xumeynaayo shaqsiyaadka maanta xilalka haya.

Si dalka loo badbaadiyo, waxaan qabaa in loo baahan yahay “Shirka turxaan-bixinta siyaasada arrimaha dibbada ee Somalia”, kaas oo kulminaya dhamaan dhinacyada siyaasada, aqoonyahanka, qurba joogta iyo dadka wax baara oo dhan, kadibna waa in si dhab ah loo doodaa, oo waxa jira, sida looga gudbi karo iyo qorshaha mustaqbalka la jeexaa.

Qarankan ruwaayad iyo waxaan ahaan jirnay kuma sii socon karo, ee aan toosno.

Like it? Share it!

Leave A Response