Saraakiil loo xiray tacaddiyo loo geystay Suxufiyiin Soomaaliyeed

by admin | Friday, Feb 22, 2019 | 846 views

Saddex sarkaal oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib tacadiyadii 18-kii bishan February loo geystay wariyeyaal ku guda jiray hawlmaameedkooda shaqo.

Ciidan ka tirsan dowladda oo isugu jiray Boolis iyo Millatari ayaa Laba suxufi oo hawlo shaqo ka hayay aagga isgoyska Banaadir tacadiyo ugu geystay, xilli maalinkaasi ay wadada xirneyd, bacdamaa uu Ra’iisul Wasaaraha dhagax dhig ku sameynayay dhismaha wadooyinka xiriiriya Muqdisho, Afgooye iyo Jowhar.

Wasiirka warfaafinta Somaliya Daahir Maxamuud Geelle oo warbixin ka dhageystay Taliyaha Ururka 60-aad ayaa sheegay in saraakiishan ay hada ku jiraan gacanta laanta dambi baarista ee Booliska Somaliyed.

Tacadiyada wariyeyaasha loo geystay ayaa in dabagal lagu sameeyo waxa ay ka dambeysay kadib markii baraha bulshada la soo geliyay sawirro muujinaya Labada suxufi oo garba duub u xiran, islamarkaana xabadka dhulka loo dhigay.

Ururada u dooda xuquuqda saxaafada ayaa aad u soo dhaweeyay talaabadan, waxayna dalbadeen in si deg deg ah cadaalada la horgeeyo saraakiishan.

Dowladda Somaliya ayaa u muuqata inay aad ula socoto dhaq dhaqaaqa Facebooka, kadib markii dhawr mar ay talaabo ka qaaday saraakiil iyo ciidan muuqaalo laga soo duubay, iyaga oo dhibaateynaya dad shacab ah.

Like it? Share it!

Leave A Response