Soomaliland iyo Taiwan oo kala saxiixday heshiis Cusub

by admin | Sunday, Dec 20, 2020 | 354 views

Heshiiskaan oo ku saabsan dhinaca horumarinta Beeraha ayaa waxaa Maanta magalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland  ku kala saxiixday mas’uuliyiin ka kala socda Taiwan iyo Soomaliland.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Hargeysa ayaa waxaa heshiisa siwadajir ah u saxiixay Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Dr Axmed Cali Maax iyo Mr. Mars Shiue oo kamida Saraakiisha Safaaradda Taiwan ee Hargeysa.

Heshiiskaan lagu horumarinayo Beeraha ayaa waxaa uu socon doonaa muddo Shan sano ah, waxaana mas’uuliyiinta labada dhinac ay sheegeen in uu daba socdo heshiisyadii iskaashi ee hore u kala saxeexdeen Somaliland Iyo Taiwan.

Heshiiskaan ayaa sidoo kale waxaa uu bilaaw u yahay barnaamij lagu beerayo khudaarta noocyadeeda kala duwan, sida  Liinta , Saytuunka , Tamaandhada , Basasha iyo khudaarta kale, sida laga sheegay munaasabadda heshiiska lagu kala saxiixday.

Soomaliland oo aamisan inay ka go’day Soomaaliya iyo Taiwan oo ah Maamul goboleed ka tirsan Shiinaha ayaa horay waxaa ay u kala saxiixdeen heshiis ay xiriir cusub ku sameysanayeen, waxaana xiriirkaas kasoo horjeestay  dowladaha Soomaaliya & Shiinaha.

Like it? Share it!

Leave A Response